Doorashada gudoomiyaha ardayda Jaamacadda Capital

26 Dec, 2017 – Waxaa Xarunta dhexe ee Jaamacadda Capital si habsami leh oo qof iyo cod ah ugu qabsoomay doorashada Gudoonka MIDOWGA ARDAYDA JAAMACADDA CAPITAL oo ka kooban Guddoomiye iyo Gud. ku xigeen.

Waxaa u tartamay xilka gudoomiyanimo ilaa 5 masharax, wareegii koowaad waxaa usoo gudbay sadex ka mid ah tartamayaasha xilka gudoomiya oo kala ahaa:

  1. Caydaruus Macalin Bashiir Adow
  2. Haweya Abdirahman Gesey
  3. AbdiHakim Abdiqadir Ahmed

Ugu danbeyntii waxaa doorashada Guddoomiyaha ku guulaystay  Caydaruus Macalin Bashiir Adow

Halka Guddoomiye ku xigeenka uu ku guulaystay  Cabdiraxmaan Axmed Gacal
Hambalyo Caydaruus iyo Cabdiraxmaan


 

Comments are closed.